LLM Models-ka ugu fiican ee coding
Ranking cusub ee LM Arena wuxuu muujinayaa sida ay AI models-ku maanta u kala awood badan yihiin, gaar ahaan dhinaca coding-ka iyo xalinta dhibaatooyinka adag. Waxa ugu yaabka badan waa in 10-ka model ee ugu sarreeya ay si weyn u maamulayaan models-ka shirkadda Anthropic ee Claude Opus.

Ranking cusub ee LM Arena wuxuu muujinayaa sida ay AI models-ku maanta u kala awood badan yihiin, gaar ahaan dhinaca coding-ka iyo xalinta dhibaatooyinka adag. Waxa ugu yaabka badan waa in 10-ka model ee ugu sarreeya ay si weyn u maamulayaan models-ka shirkadda Anthropic ee Claude Opus. Noocyada kala duwan ee Claude Opus ayaa qabsaday inta badan kaalmaha hore, taas oo muujineysa sida shirkaddu xoogga u saartay horumarinta AI si gaar ah ugu fiican programming-ka.
Kaalinta 1-aad waxaa galay claude-opus-4-7-thinking, halka kaalinta 2-aad uu galay claude-opus-4-7. Kaalinta 3-aad waxaa ku jira claude-opus-4-6-thinking, halka kaalinta 4-aad uu galay claude-opus-4-6. Sidoo kale kaalinta 5-aad waxaa galay claude-opus-4-5-20251101-thinking-32k. Tani waxay ka dhigeysaa in shanta boos ee ugu horreeya dhammaantood ay haystaan models-ka Claude Opus ee shirkadda Anthropic.
Kaalinta 6-aad waxaa galay Muse Spark oo ay leedahay Meta, halka Gemini 3.1 Pro Preview ee Google uu galay kaalinta 7-aad. GPT-5.4-high oo ay leedahay OpenAI ayaa galay kaalinta 8-aad, halka GLM-5.1 oo ay leedahay Z.ai uu galay kaalinta 9-aad. Kaalinta 10-aad waxaa ku jira Grok-4.20 Multi-Agent Beta oo ay leedahay shirkadda xAI.
Qiimeyntaan waxay si cad u muujineysaa in tartanka AI uu sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeysa. Models-ku hadda ma ahan oo keliya kuwo qoraal sameeya, balse waxay noqdeen qalab awood u leh coding, reasoning, xalinta xisaabaadka adag, iyo fahamka dhibaatooyinka waaweyn. Waxa kale oo muuqata in shirkado badan ay si aad ah ugu tartamayaan hoggaanka AI-ga, balse waqtigan Anthropic ayaa u muuqata kuwa ugu sarreeya dhinaca coding-ka.
LM Arena waa meel ay dadka isticmaala iyo developers-ku ku qiimeeyaan models-ka, iyadoo la eegayo waxqabadkooda marka loo adeegsado coding iyo shaqooyin kale oo adag. Sidaas darteed, ranking-kan wuxuu bixinayaa sawir cad oo ku saabsan halka uu maanta marayo horumarka AI-ga iyo shirkadaha ugu awoodda badan suuqa.





