Dugsiiye logoDugsiiye logo
CoursesMentorshipCommunityAmbassadorBlogAboutContact
Back to Journal
CybersecuritySeptember 29, 2025

Waa Maxay Cryptography

Cryptography waa cilmiga xogta si ammaan ah loogu qariyo . Haddii si fudud loo dhigo, waa farsamo dadka iyo nidaamyada digital-ka u adeegsadaan si xog sir ah u gudbiyaan. Taariikh ahaan, boqorradii iyo jeneraalladii hore waxay farriimo qarsoodi ah ku qori jireen code ama xarfo beddelan

Sharafdin Yusuf
Sharafdin Yusuf
3 min read
#Encryption#Security
Waa Maxay Cryptography

Cryptography waa cilmiga xogta si ammaan ah loogu qariyo . Haddii si fudud loo dhigo, waa farsamo dadka iyo nidaamyada digital-ka u adeegsadaan si xog sir ah u gudbiyaan. Taariikh ahaan, boqorradii iyo jeneraalladii hore waxay farriimo qarsoodi ah ku qori jireen code ama xarfo beddelan, si cadowgu uusan u fahmin haddii farriinta gacantiisa gasho. Maanta, Cryptography waa isla fikraddaas balse lagu fuliyo algorithms iyo nidaamyo awood badan.

Marka xogta la qarinayo waxaa la dhahaa Encryption, marka la furayana waxaa la dhahaa Decryption. Waxay ku shaqeeyaan Keys iyo Algorithms. Waxaa jira laba hab oo waaweyn:

Symmetric Cryptography: Hal key ayaa lagu qariyaa xogta isla key-gaasna lagu furaa. Waa degdeg, balse haddii key-ga la helo xogta waa la furi karaa.

Asymmetric Cryptography: Waxaa la adeegsadaa laba fure: Public Key oo qof walba heli karo iyo Private Key oo si sir ahaan loo ilaaliyo. Public Key lagu qariyay xog waxaa kaliya furi kara Private Key. Habkan ayaa maanta lagu ilaaliyaa emails, lacagaha digital-ka iyo online banking.

Tusaale: marka aad gasho website aad aragto https://, taasi micnaheedu waa xogtaada waxaa la gudbinayaa iyada oo encrypted ah. Qof kasta oo isku dayo inuu dhexda ka akhriyo xogtaas wuxuu heli doonaa tiro iyo xarfo aan wax macno ah samayn. Laakiin server-ka saxda ah ayaa furaha haysta, isagaana akhrin kara xogtaada.

Waan aragnaa ilaa heerka ay muhiim tahay hadana Inta badan nidaamyada digital-ka ee Soomaalida ma adeegsadaan Cryptography. Xogta waxaa la isku diraa iyadoo plaintext ah, taas oo la micno ah in qof kasta oo dhexda ka istaaga uu si sahlan u arki karo xogta, u beddeli karo ama si khaldan u adeegsan karo. Halka dalalka kale xogta loo tixgeliyo hantida ugu qaalisan, Soomaaliya waxaa ka muuqda dayac weyn.

Meesha keliya ee Cryptography si xaddidan loogu adeegsado waa passwords-ka, iyadoo la adeegsanayo bcrypt waliba iyada oo inta badan faham buuxda laga haysan. Waa sida qof albaabka guriga quful weyn ku xiray, balse daaqadaha oo dhan furay.

Tani waa halis weyn oo ku wajahan mustaqbalka. Xogta caafimaadka, xogta bangiyada, xogta ganacsiyada, iyo xitaa xogaha dowliga ah — dhammaantood haddii aan si ammaan ah loo qarin, waxay u nugul yihiin in la xado, la musuqo, ama si khaldan loo isticmaalo. Waxaa la og yahay in dagaalka maanta adduunka ka socda aanu kaliya ahayn mid hub iyo rasaas ah, balse sidoo kale uu yahay mid xog iyo siro qarsoon ah.

Haddii ay Soomaaliya rabto inay horumar ka gaarto dhanka digital-ka, waa inay tixgelisaa Cryptography. Xogta waa waxa ugu qaalisan ee qof iyo dalba uu leeyahay. Haddii xogta la dayaco, amniga iyo kalsoonida bulshada digital-ka ayaa lumaysa. Qof kasta oo developer ah waxaa ku waajib ah inuu barto, fahmo, adeegsadana Cryptography si nidaamyada Soomaaliya uga baxaan heerka “plaintext” una gudbaan heer amni iyo kalsooni caalami ah.

Sharafdin Yusuf

Sharafdin Yusuf

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

72
Articles

Recent Articles

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

May 27, 2026
AI Tools-ka Developers-ka

AI Tools-ka Developers-ka

May 27, 2026
Soft Skills-ka Casriga AI

Soft Skills-ka Casriga AI

May 27, 2026
View all articles
More Reading

More like this.

Waa Maxay JWT (JSON Web Token)
CybersecurityDec 31, 2025

Waa Maxay JWT (JSON Web Token)

JWT (JSON Web Token) waa tiknooloojiyad (farsamo) casri ah oo loo adeegsado Aqoonsiga Isticmaalaha (Authentication) iyo Ogolaanshaha Galitaanka (Authorization), gaar ahaan web apps, mobile apps, iyo APIs.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
Sidee Loo Noqdaa Ethical Hacker
CybersecurityJan 14, 2025

Sidee Loo Noqdaa Ethical Hacker

Erayga ‘hacker’ waxa uu markii hore qeexayay barnaamij-sameeye (programmer) xirfad leh ee aad u yaqaana code-ka mishiinka iyo hababka hawlgalka (operating systems) ee kombuyuutarka.

undefined undefined
undefined undefined
14 min read
Read
Waa Maxay OAuth
CybersecurityDec 31, 2025

Waa Maxay OAuth

OAuth waa nidaam oggolaansho (authorization) oo u oggolaanaya app ama adeeg inuu helo xogtaada adigoon siin password-kaaga. Waa sababta aad marar badan u aragto batoonka leh: “Continue with Google” ama “Login with Facebook.”

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
DugsiiyeDugsiiye

Become a Full Stack AI Engineer in 6 months. The only Somali-language program teaching AI-assisted development.

YouTubeGitHubWhatsAppFacebookTwitterLinkedIn

Product

  • Mentorship Program
  • Courses
  • Blog
  • Community

Company

  • About Us
  • Contact
  • Ambassador Program

Legal

  • Privacy Policy
  • Terms of Service
  • Cookie Policy
  • Refund Policy

© 2026 Dugsiiye. All rights reserved.

Proudly built in Somalia

Back to Journal