Waa Maxay Generative AI
Generative AI waa erayga ugu badan ee maanta laga hadal hayo dunida tiknoolojiyadda, waana nooc ka mid ah caqliga macmal (AI) oo awood u leh inuu abuuro waxyaabo cusub halkii uu kaliya falanqeyn lahaa xogta jirta.

Generative AI waa erayga ugu badan ee maanta laga hadal hayo dunida tiknoolojiyadda, waana nooc ka mid ah caqliga macmal (AI) oo awood u leh inuu abuuro waxyaabo cusub halkii uu kaliya falanqeyn lahaa xogta jirta. Halka AI-dii hore loo tababaray inay kala saarto waxyaabaha, tusaale ahaan inay sawirka eegto oo ay tiraahdo "Kani waa bisad", Generative AI waxay awood u leedahay inay sawirka bisadda iyadu sameyso xitaa haddii aysan horay u jirin.
Si aan si fudud u fahanno, aynu qaadanno tusaalaha farqiga u dhexeeya maktabad-haye iyo qoraa. AI-dii hore waxay la mid tahay maktabad-haye aad weydiinayso buug gaar ah; wuxuu aadayaa khaanadaha, wuxuuna kuu soo saarayaa buuggii aad rabtay oo diyaarsan. Laakiin Generative AI waa sida qoraa aad ku leedahay "Iii qor sheeko ku saabsan wiil u safray dayaxa". Qoraagu (AI-ga) ma soo qaadanayo buug hore u yiillay, balse wuxuu isticmaalayaa aqoontiisa si uu u alifo sheeko cusub oo aan horay loo arag.
Qaabka uu u shaqeeyo Generative AI wuxuu ku dhisan yahay barasho qoto dheer. Wuxuu marka hore "akhriyaa" ama "daa wadaa" malaayiin xog ah oo internet-ka ku jirta, kadibna wuxuu bartaa qaab-dhismeedka waxyaabahaas. Tusaale ahaan, haddii uu arko kumanaan sawir oo baabuur ah, wuxuu baranayaa in baabuurku leeyahay taayiro, muraayado, iyo albaabbo. Markaad ka codsato inuu kuu sameeyo "Baabuur u eg diyaarad", wuxuu isku keenayaa aqoontaas si uu u abuuro sawir cusub oo ka jawaabaya codsigaaga.
Muhiimadda Generative AI ma ahan kaliya inuu wax qoro ama sawiro, balse wuxuu beddelayaa habka aan u shaqeyno. Qofka barnaamijyada sameeya (Developer) wuxuu u isticmaali karaa inuu koodhka u dhiso, naqshadeeyaha (Designer) wuxuu u isticmaali karaa inuu fikrado cusub ka helo, halka ganacsaduhu uu u isticmaali karo inuu qorshe ganacsi ku dajiyo daqiiqado gudahood. Waa aalad dadka siinaysa awood ay ku dedejiyaan hal-abuurkooda.
Ugu dambeyntii, Generative AI ma ahan mid dadka shaqada ka eryaya, balse waa mid la shaqeynaya. Waa qalabka ka qaadaya culayska bilaabidda wax cusub. Halkii aad ka hor fadhiisan lahayd warqad cad adiga oo garan la' meel aad wax ka billowdo, Generative AI wuxuu ku siinayaa qabyo-qoraal (draft) aad horumarin karto, taas oo waqtigaaga badbaadinaysa, tayada shaqadaadana kor u qaadaysa.




