Dugsiiye logoDugsiiye logo
CoursesMentorshipCommunityAmbassadorBlogAboutContact
Back to Journal
Web DevelopmentOctober 8, 2025

Waa Maxay MongoDB

MongoDB waa NoSQL Database casri ah oo loo dhisay si uu u maareeyo xogta. Haddii database-yadii hore (SQL) ay ku khasbayeen in xog kasta ay yeelato table iyo rows, MongoDB waxay keentay xorriyad buuxda: xog walba waa document JSON ah.

Sharafdin Yusuf
Sharafdin Yusuf
2 min read
#Database
Waa Maxay MongoDB

MongoDB waa NoSQL Database casri ah oo loo dhisay si uu u maareeyo xogta. Haddii database-yadii hore (SQL) ay ku khasbayeen in xog kasta ay yeelato table iyo rows, MongoDB waxay keentay xorriyad buuxda: xog walba waa document JSON ah.

Tani waxay ka dhigan tahay in xogta loo keydinayo sida objects-ka, tusaale:

{ "name": "Halima", "age": 18, "skills": ["Node.js", "Python", "Docker"] }

Taasi waa hal user oo ku jira hal document. Documents badan ayaa ku jira hal collection, oo u dhiganta table in SQL terms. Laakiin farqiga weyn ayaa ah — document kasta wuu ka duwanaan karaa qaab ahaan, taasoo ka dhigaysa MongoDB mid aad u dabacsan.

MongoDB wuxuu caan ku yahay saddex arrimood:

  1. Flexibility – ma khasbana in xog kasta ay raacdo hal schema go’an.
  2. Speed – wuxuu si dhakhso leh u maareeyaa xog badan.
  3. Scalability – wuxuu u kala qaybin karaa xogta (sharding) servers badan si uu u jaanqaado projects-ka waaweyn.

Bal qiyaas makhaayad aan menu go’an lahayn — marna cambuulo, marna baasto, marna canjeero. MongoDB waa sidaas: xogta waa la kaydin karaa xitaa haddii aysan lahayn qaab isku mid ah, waana la heli karaa waliba si degdeg ah.

Marka la eego backend development, MongoDB waxaa si fiican ula shaqeeya Node.js, Express, Next.js, iyo Prisma (via Mongo Connector). Waxaa loo adeegsadaa mashruucyada sida e-commerce, social media, iyo analytics — meel kasta oo xog badan la keydinayo, laakiin aan mar walba la hubin qaabkeeda saxda ah.

Marka Soomaaliya la eego, MongoDB waa fursad weyn. Mashruucyada maxalliga ah sida payment systems, health records, ama student management platforms waxay u baahan yihiin database la jaan qaadi kara xogta is bedbeddelaysa. MongoDB wuxuu bixiyaa xal ammaan ah, fudud, isla markaana ku shaqeeya server-yada caadiga ah ee la heli karo.

MongoDB waa halka xogta casriga ah ku nasato. Waa database aan qaab go’an lahayn, laakiin leh nidaam adag oo xogta lagu maamulo. Waa doorashada ugu fiican ee developer raba inuu dhiso app weyn, degdeg ah, oo dabacsan

Sharafdin Yusuf

Sharafdin Yusuf

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

72
Articles

Recent Articles

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

May 27, 2026
AI Tools-ka Developers-ka

AI Tools-ka Developers-ka

May 27, 2026
Soft Skills-ka Casriga AI

Soft Skills-ka Casriga AI

May 27, 2026
View all articles
More Reading

More like this.

Waa Maxay Full-Stack Development
Web DevelopmentOct 2, 2025

Waa Maxay Full-Stack Development

Full-Stack Development waa marka developer uu isku mar yaqaan dhinaca hore ee software-ka (Frontend) iyo dhinaca gadaal ee qarsoon (Backend). Waa xirfad isku dhafan oo qofka ka dhigta inuu ka shaqeyn karo dhammaan meelaha software-ka, laga bilaabo muuqaalka user-ku arko ilaa server-ka xogta kaydiya.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
Waa Maxay Backend Development
Web DevelopmentOct 2, 2025

Waa Maxay Backend Development

Backend Development waa laf-dhabarta software-ka. Waa halka hawlaha qarsoon oo dhan ka socdaan, inkasta oo user-ka kaliya uu arko interface-ka quruxda badan ee frontend-ka.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
Waa Maxay GraphQL
Web DevelopmentJan 15, 2026

Waa Maxay GraphQL

GraphQL waa luqad (Query Language) loo isticmaalo API-yada, waxaana sameysay shirkadda Facebook (Meta) sannadkii 2012. Ujeeddada ugu weyn ee loo sameeyay waxay ahayd in xal loo helo dhibaatooyinka REST API-ga, gaar ahaan markay timaaddo

undefined undefined
undefined undefined
3 min read
Read
DugsiiyeDugsiiye

Become a Full Stack AI Engineer in 6 months. The only Somali-language program teaching AI-assisted development.

YouTubeGitHubWhatsAppFacebookTwitterLinkedIn

Product

  • Mentorship Program
  • Courses
  • Blog
  • Community

Company

  • About Us
  • Contact
  • Ambassador Program

Legal

  • Privacy Policy
  • Terms of Service
  • Cookie Policy
  • Refund Policy

© 2026 Dugsiiye. All rights reserved.

Proudly built in Somalia

Back to Journal