Dugsiiye logoDugsiiye logo
CoursesMentorshipCommunityAmbassadorBlogAboutContact
Back to Journal
Web3 & BlockchainOctober 2, 2025

Waa Maxay Smart Contracts

Smart Contracts waa fikrad ka dhalatay Blockchain, gaar ahaan Ethereum. Haddii si fudud loo dhigo, waa heshiis ku qoran code

Sharafdin Yusuf
Sharafdin Yusuf
2 min read
#Smart Contracts#Blockchain#Ethereum
Waa Maxay Smart Contracts

Smart Contracts waa fikrad ka dhalatay Blockchain, gaar ahaan Ethereum. Haddii si fudud loo dhigo, waa heshiis ku qoran code, kaas oo automatic ahaan fulmaya marka shuruudihii la dhigay la buuxiyo. Waxaad u fikiri kartaa sida qandaraas caadi ah, laakiin halkii uu qareen ama qof dhexdhexaad ah ku ilaalin lahaa, code ayaa ilaalinaya.

Smart Contract wuxuu ku shaqeeyaa mabda’a “if – then”: haddii xaalad gaar ah la buuxiyo, markaas ficil gaar ah ayaa si automatic ah u dhacaya. Tusaale ahaan, haddii qof lacag ku shubo account gaar ah, Smart Contract ayaa isla markiiba diraya hanti, token, ama document digital ah, iyadoo aan qof dhexdhexaad ah ku lug lahayn.

Faa’iidada ugu weyn waa kalsoonida iyo automation. Maadaama Smart Contracts ku jiraan Blockchain, lama beddeli karo marka la sameeyo. Qof kasta oo shabakad ku jira ayaa arki kara, waxaana la fulinayaa si hufan. Taasi waxay meesha ka saartaa musuq, dib u dhac, iyo kalsooni darro.

Bal qiyaas beeraley Somali ah iyo ganacsade magaalada jooga. Haddii heshiiskooda lagu dhigo Smart Contract, waxaa loo qori karaa: “Haddii 100 kiilo oo bariis la keeno, lacagta si automatic ah u wareeji.” Marka shuruuddaas la buuxiyo, code-ka ayaa lacagta si automatic ah u diraya, qofna gacantiisa kuma jiro. Haddii shuruuddu aan la buuxin, lacag ma baxeyso.

Marka Soomaaliya la eego, Smart Contracts waxay noqon karaan xal weyn oo lagu xaliyo dhibaatooyin badan. Hantida dhulka oo lagu diiwaangeliyo Smart Contracts waxay meesha ka saari lahayd isqabqabsi iyo musuq. Lacagaha ganacsiga oo lagu xiro Smart Contracts waxay meesha ka saari lahayd khilaafyo iyo dib u dhac. Xitaa nidaamyada dowliga ah sida procurement-ka iyo qandaraasyada shirkadaha waa lagu maamuli karaa Smart Contracts si hufnaan iyo daahfurnaan leh.

Smart Contracts waa sida heshiis qoraal ah oo aan marna la jebin karin, balse aan qof ku xiranayn ee code iyo Blockchain ku socdo. Waa tiknoolajiyo u furan Soomaaliya haddii si dhab ah loo barto, waana jid loo maro in musuq iyo kalsooni darro laga saaro nidaamyada bulshada. Qof kasta oo developer ah waa inuu fahmaa Smart Contracts, maxaa yeelay waa halka uu mustaqbalka heshiisyada digital-ku u socdo.

Sharafdin Yusuf

Sharafdin Yusuf

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

72
Articles

Recent Articles

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

May 27, 2026
AI Tools-ka Developers-ka

AI Tools-ka Developers-ka

May 27, 2026
Soft Skills-ka Casriga AI

Soft Skills-ka Casriga AI

May 27, 2026
View all articles
More Reading

More like this.

Waa Maxay Web 3.0
Web3 & BlockchainOct 2, 2025

Waa Maxay Web 3.0

Web 3.0 waa marxaladda cusub ee internet-ka. Si loo fahmo, waa inaan dib u eegnaa safarka uu internet-ku soo maray.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
Waa Maxay NFT
Web3 & BlockchainOct 2, 2025

Waa Maxay NFT

NFT ama Non-Fungible Token waa fikrad ka dhalatay Blockchain. Haddii si fudud loo dhigo, waa token digital ah oo muujinaya lahaansho gaar ah.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
Waa Maxay Blockchain
Web3 & BlockchainOct 2, 2025

Waa Maxay Blockchain

Blockchain waa tiknoolajiyada ka mid ah kuwa dunida beddelay. Haddii si fudud loo dhigo, waa hab lagu kaydiyo xog si loo wadaago

undefined undefined
undefined undefined
3 min read
Read
DugsiiyeDugsiiye

Become a Full Stack AI Engineer in 6 months. The only Somali-language program teaching AI-assisted development.

YouTubeGitHubWhatsAppFacebookTwitterLinkedIn

Product

  • Mentorship Program
  • Courses
  • Blog
  • Community

Company

  • About Us
  • Contact
  • Ambassador Program

Legal

  • Privacy Policy
  • Terms of Service
  • Cookie Policy
  • Refund Policy

© 2026 Dugsiiye. All rights reserved.

Proudly built in Somalia

Back to Journal