Beri hore, caalamka barnaamij-samayntu wuxuu ahaa meel si gaar ah loo yaqaan, inta badanna waxaa loo arkayay xirfad adag oo ay helaan dad kooban. Maanta, arrintu way ka duwan tahay; xirfadaha barnaamij-samaynta waxay noqdeen kuwa laga dhex helo xirfadaha ugu loo baahan yahay (in-demand skills). Qormadan, waxaan ku eegaynaa 10-ka luqadood ee barnaamij-samaynta ugu wanaagsan iyo kuwa ugu baahsan sanadka 2025, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabto, fursadaha shaqo, iyo fududeynta barashada.
Waa maxay Programming Language?
Luuqadda barnaamij-samaynta (Programming Language) waa hab ay barnaamij-sameeyayaashu (developers) kula xidhiidhaan kombiyuutarro. Luuqadaha barnaamij-samaynta waxay ka kooban yihiin xeerar (syntax) u oggolaanaya in qiyamka xargaha (strings) loo beddelo habab kala duwan si loogu abuuro kood mashiin (machine code).
Guud ahaan, barnaamijku (program) waa tilmaamo ku qoran luqad gaar ah, sida C, C++, Java, ama Python, si loo gaaro hawl gaar ah.
Macluumaad dheer: Waa maxay Programming Language?
Game Development: Mid ka mid ah luqadaha ugu muhiimsan game development-ka iyadoo loo adeegsado Unity engine.
C# (C Sharp) waa luqad object-oriented ah oo laga dhaxlay qaab-dhismeedkii C++ iyo Java, balse si casri ah loo diyaariyay. Waxay si gaar ah ugu fiican tahay Windows apps, game development (Unity), iyo web apps (ASP.NET Core). Haddii aad rabto luqad Microsoft ay si buuxda u taageerto, C# waa door wanaagsan oo laga helo shaqooyin badan oo enterprise-level ah.
Waxqabad Sare: Waxay u xawaare badan tahay sida C/C++, iyadoo aan haysan garbage collector.
Reliability: Waxay ka caawisaa horumariyayaasha inay qoraan code ammaan ah oo la isku halleyn karo.
Rust waa luqad barnaamij-furan (open-source) oo markii hore ay soo saartay Mozilla (2010). Waxay si rasmi ah u soo baxday 2012. Waxay caan ku tahay horumarinta nidaamyada hoose (system-level) sida barnaamijyada high-performance. Shirkado waaweyn sida Dropbox, Cloudflare, iyo Discord ayaa adeegsada Rust, taas oo caddeyn u ah in Rust loo baahnaan doono in muddo ah.
7. C/C++
Sababaha loo doorto C/C++
Hooyadii Luqadaha: C waa aasaaska ugu badan luqadaha casriga ah ee kale.
Waxqabad: C/C++ waa door fiican marka laga hadlayo xawaare sare iyo nidaamyada hoose (low-level).
Gamedev & System Programming: Barnaamijyo waaweyn, games, iyo drivers hardware ayaa si weyn u adeegsada.
C waa mid ka mid ah luqadaha ugu muddada dheer ee barnaamij-samaynta, waxayna saldhig u tahay qaar badan oo kale (Java, C#, JavaScript, iwm.). C++ waa sii-horumar (extension) laga sameeyay C, waxaana lagu daray object-oriented features. Labaduba waxay aad ugu fiican yihiin horumarinta nidaamka hoose, games, iyo barnaamijyada “performance critical” ah.
8. Kotlin
Sababaha loo doorto Kotlin
Luqadda Rasmiga ah ee Android: Google ayaa u aqoonsatay Kotlin inay beddesho Java dhanka Android.
Interoperability: Waxay si buuxda ula shaqaysaa Java, taas oo fududeyneysa dib-u-isticmaalka koodkii hore.
Kotlin waxaa sameeyay shirkadda JetBrains, waana luqad si weyn uga hawlgasha Android development. Waxay xor u tahay inay la shaqeyso code-ka Java, taas oo ah sababta horumariyeyaasha Android (oo si hore Java u isticmaalay) ay si fudud ugu wareegi karaan Kotlin. Waxa kale oo loo isticmaalaa server-side iyo web (Kotlin/JS). Haddii aad danaynayso samaynta Android apps, Kotlin waa lagu tala galay.
9. Swift
Sababaha loo doorto Swift
Fudud & Xawaare Sare: Swift waxay la imaaneysaa syntax fudud marka loo eego Objective-C.
Apple Ecosystem: Haddii aad rabto in aad abuurto iOS, macOS, watchOS ama tvOS apps, Swift ayaa ah luqadda rasmiga ah.
Mustaqbalka Apple: Apple waxay si buuxda u wadaa in ay Swift noqoto doorashada koowaad ee horumarinta barnaamijyadeeda.
Swift waxaa lasoo bandhigay 2014, waxaana qoray Apple si loo beddelo Objective-C. Waxay si gaar ah loogu isticmaalaa horumarinta iOS, macOS, watchOS, iyo tvOS. Way dhakhso badan tahay, wayna fududdahay marka loo eego Objective-C. Haddii aad rabto inaad noqoto horumariye iOS ama aad gasho dunida Apple Apps, barashada Swift waa tub sax ah.
10. Dart
Sababaha loo doorto Dart
Cross-platform: Dart iyo Flutter waxay kuu oggolaanayaan in hal code base ah lagaga sameeyo Android, iOS, web, iyo desktop.
Waxqabad Sare: Flutter ayaa si dhakhso ah u shaqeysa oo design isku mid ah uga sameyn karta platforms kala duwan.
Bulsho Kordheysa: Waxa ay saaxiibtinimo la leedahay Google, taas oo sare u qaadda hormarkeeda.
Dart waxaa sameeyay Google (2011). Waxaa si gaar ah caan ugu ah adeegsiga Flutter, oo loo yaqaan “framework cross-platform” laga sameeyo hal code base oo apps ah oo si isku mid ah u shaqeeya. Haddii aad rabto in aad degdeg u dhisto apps qurux badan, Dart (iyo Flutter) waxay noqonayaan xulasho cajiib ah, maadaama ay hoos imaanayaan taageero xooggan oo Google ah.
Sidee loo Bilaabaa?
In kasta oo ay jiraan boqollaal luqadood oo wax lagu barnaamijiyo, haddana tiro aad u yar ayaa ku soo biira liiska gaaban ee luuqadaha ay tahay in aad taqaanid. Kuwa kor lagu sharaxay waxay hoggaaminayaan luqadaha barnaamij-samaynta, ra’yigayaga ahaan, inay yihiin kuwa ugu fiican. Haddii aad rabto in aad bilowdo shaqo barnaamij-yaqaan (programmer) ama aad rabto in aad kor ugu qaaddo jaranjarada shaqadaada hadda, barashada mid ka mid ah luqadahaan waa meel aad u fiican oo aad ka bilaabi karto kala-guurkaaga.
Programming language kee ayaan doortaa?
Hagaag, luqadaha barnaamij-samayntu waa sida badda oo kale: aad ayey u badan yihiin, qof kastana waxaa ku adkaan karta doorashada luqadda uu ku bilaabayo. Si aad doorashada u fududeyso, waa inaad marka hore caddeysataa hammigaaga shaqo (career), tusaale ahaan, ma rabtaa inaad noqoto web developer, software developer, ama game developer? Kolkaas ayaad dooran kartaa luqadda ku habboon.
Tusaale ahaan, haddii Ismaaciil Ceynte uu rabbo inuu noqdo game engineer, waxaa si fudud loogu taliyayaa inuu barto C++ ama C#, maadaama ay si weyn ugu habboon yihiin game development.
Gunaanad
Maqaalkan waxa aan ku gorfeeynay 10-ka programming languages ugu fiican sanadka 2025 (fikrad ahaanteenna). Ujeedku waa in aan ku tusno sida aad ku dooran karto luqadda kugu habboon. Inta badan ardayda ama dadka ku cusub way ku wareeraan marar badan, waayo qof walba luqad gaar ah ayuu jeclaan karaa, mid kalena wuu xayeysiin karaa.
Talo: Si aadan u jahwareerin, marka hore dooro cidda aad rabto in aad noqoto (career path), hadday tahay web, game, ama mobile app developer. Ka dib, dooro luqad ama laba luqadood oo taa kugu gacan siinaya. Hadba meesha aad tignoolajiyada ka dooneyso, Python, JavaScript, C++, C#, iwm. – halkaa baad ka bilaabi kartaa.
Waxaan kuu rajeyneynaa guul iyo horumar xagga tignoolajiyada ah.
Mr Sharafdin.
Sharafdin Yusuf
"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."