Waa Maxay Programming Language
Sida aan ognahay, si aan ula xiriirno qof, waxaan u baahanahay luqad gaar ah, si la mid ah si aan ula xiriirno kombuyuutarrada, programmers ka sidoo kale waxay u baahan yihiin luqad, taas ayaa waxaa loo yaqaan ‘Programming Language’.

Waa Maxay Programming Language
Sida aan ognahay, si aan ula xiriirno qof, waxaan u baahanahay luqad gaar ah, si la mid ah si aan ula xiriirno kombuyuutarrada, programmers ka sidoo kale waxay u baahan yihiin luqad, taas ayaa waxaa loo yaqaan ‘Programming Language’.
Kahor intaanan baran luqadda barnaamijka (Programing Language), aan fahanno waa maxay luqad?
Waa maxay Luqad?
Luqaddu waa hab isgaarsiin oo loo isticmaalo in lagula wadaago fikradaha, ra’yiga midba midka kale. Tusaale ahaan, haddii aan rabno inaan qof lahadalno, waxaan u baahanahay luqad an fahmi karno aniga iyo qofka kale.
Waa maxay Programing Language?
Programming Language waa luuqad kumbiyuutar oo ay isticmaalaan programmers (developers) si ay ula xiriiraan kombayutarada. Waa tilmaamo lagu qoray luqad kasta oo gaar ah (C, C++, Java, Python) si loo qabto hawl gaar ah.
Luqadda barnaamijka (Programing Language) waxaa inta badan loo isticmaalaa in lagu horumariyo ama lagu sameeyo barnaamijyada desktop-ka, mareegaha (Websites), iyo barnaamijyada mobilada (Mobile Applications).
Luuqadaha programming-ka waa lama huraan waayo kombuyuutarku ma fahmi karaan af-soomaaliga. Luuqadaha programming-ka waxa ay soo afjaraan farqigan iyaga oo ka caawinaya programmers ka in ay u turjumaan amarradooda wax uu kumbiyuutarku fahmi karo oo uu fulin karo.
Maxay kumbiyuutarradu u fahmi waayeen af-soomaali ama luqadaha kale?
Marka ay dadku la xiriiraan kumbuyuutarka, waxaa muhiim ah in ay si gaar ah u sheegaan waxa ay ka codsanayaan kombiyuutarka inuu sameeyo.
Programming languages waa qalab (Tool) u ogolaanaya inay kumbuyuutarku ku amraan. Inta badan, luqadadda afka soomaaliga waxa ay noqon kartaa mid mugdi ku jiro oo ay ku adag tahay kombuyuutarku in uu go’aamiyo ujeedada. Programmers-ku waxay adeegsadaan luuqadaha barnaamijka si ay u caddeeyaan sida saxda ah waxa ay rabaan in kombuyuutarku sameeyo.
Sidee kumbiyuutarradu u fikiraan?
Kumbuyuutarku waxay ka samaysan yihiin furayaal yaryar oo badan oo daari kara ama dami kara.
Marka uu shidan yahay, waxa uu u taagan yahay 1. Marka uu dansan yahayna, waxa uu u taagan yahay 0. 1aad iyo 0aad waxa loo yaqaannaa bits.
Bits waa luqadda aasaasiga u ah dhammaan kombiyuutarada, barnaamij walbana waa in loo tarjumaa (0s,1s) ka hor inta uusan kumbiyuutarku fulin.






