Dugsiiye logoDugsiiye logo
CoursesMentorshipCommunityAmbassadorBlogAboutContact
Back to Journal
Artificial IntelligenceOctober 2, 2025

Waa Maxay AI

AI ama Artificial Intelligence waa tiknoolajiyada lagu dhisayo barnaamijyo iyo mashiinno awood u leh inay qabtaan shaqooyin caqli bini’aadam u baahan lahaa.

Sharafdin Yusuf
Sharafdin Yusuf
2 min read
#Machine Learning#Data Science
Waa Maxay AI

AI ama Artificial Intelligence waa tiknoolajiyada lagu dhisayo barnaamijyo iyo mashiinno awood u leh inay qabtaan shaqooyin caqli bini’aadam u baahan lahaa. AI ma aha kaliya code caadi ah oo amar la siiyo, waa nidaam xog wax ka baranaya, go’aan ka gaaraya, mararka qaarna xitaa iskiis isu horumarinaya

AI wuxuu leeyahay qaybo kala duwan. Machine Learning waa marka mashiinka lagu tababaro xog badan si uu u barto habdhaqan. Tusaale ahaan, haddii kumannaan sawir oo bisado ah la siiyo, mashiinku wuxuu baran karaa sida bisad loo aqoonsado. Deep Learning waa qayb hoose oo isticmaalaysa Neural Networks oo ah mid qaabka maskaxda bini’aadamka u shaqeyo, taas oo awood u siinaysa AI inuu barto hawlo aad u adag sida cod inuu aqoonsado, tarjumaadda, iyo xitaa sawir sameynta.

AI waxa uu ka shaqeeyaa Automation — in hawlo badan oo caadi ahaan bini’aadam u baahan lahaa lagu qabto si automatic ah. Waxaa intaas dheer, AI wuxuu leeyahay awood uu xog badan ku falanqeeyo (Big Data), taas oo u oggolaanaysa inuu arko natiijooyin bini’aadamku sahal ku arki karin.

Bal qiyaas inaad leedahay farmashiiye yar. AI app ayaa xogtaada ku falanqeyn kara si uu kuu sheego daawada ugu badan ee la iibiyay bishii hore, waxa laga yaabo in bishan la iibiyo, iyo xitaa inuu kugu wargeliyo in daawo hebel in ay dhamaad ku dhowdahay. Halkii adiga maskaxdaada ku xisaabin lahayd, AI ayaa automatic kuu qabanaya.

Marka Soomaaliya la eego, AI waa fursad weyn oo lagu hormarin karo adeegyada bulshada. Caafimaadka, AI waxaa lagu adeegsan karaa in lagu ogaado cudurrada iyadoo lagu saleynayo raajo iyo baaritaanno. Waxbarashada, AI wuxuu noqon karaa macallin caawiya oo arday kasta si gaar ah ula jaanqaada. Ganacsiga, AI wuxuu kaa caawin karaa inaad xogta macaamiisha fahanto, isla markaana aad go’aan sax ah gaarto. Halista jirta waa in aqoonta iyo fahamka AI ay weli yartahay, taasoo keeni karta in dadka lagu khiyaaneeyo ama AI loo adeegsado si khaldan.

AI waa sida caqli cusub oo lagu daro kombiyuutar. Waa tiknoolajiyo awood badan oo Soomaaliya u noqon karta fursad ay kaga gudubto caqabadaha caafimaad, waxbarasho, iyo dhaqaale.

Sharafdin Yusuf

Sharafdin Yusuf

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

72
Articles

Recent Articles

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

LLM Models-ka ugu fiican ee coding

May 27, 2026
AI Tools-ka Developers-ka

AI Tools-ka Developers-ka

May 27, 2026
Soft Skills-ka Casriga AI

Soft Skills-ka Casriga AI

May 27, 2026
View all articles
More Reading

More like this.

Waa Maxay Machine Learning
Artificial IntelligenceOct 2, 2025

Waa Maxay Machine Learning

Machine Learning waa qayb ka mid ah AI, waana habka mashiin lagu baro xog si uu iskiis u sameeyo go’aan ama saadaal.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
Xogtu Waa Shidaalka Cusub
Artificial IntelligenceSep 29, 2025

Xogtu Waa Shidaalka Cusub

Xogaha la abuuro, la kaydiyo, lana isticmaalo waxay gaartay heer aan hore loo arag. Sannadka 2025 waxaa lagu qiyaasaa in xogta caalamka ay gaartay 147 zettabytes.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
Waa Maxay Reinforcement Learning
Artificial IntelligenceMar 16, 2026

Waa Maxay Reinforcement Learning

Reinforcement Learning waa nooc ka mid ah AI-da oo wax ku barta tijaabo iyo qalad. Haddii AI-da kale lagu baro xog la diyaariyay, noocan wuxuu wax ku bartaa isaga oo la falgalaya deegaanka uu ku jiro.

undefined undefined
undefined undefined
2 min read
Read
DugsiiyeDugsiiye

Become a Full Stack AI Engineer in 6 months. The only Somali-language program teaching AI-assisted development.

YouTubeGitHubWhatsAppFacebookTwitterLinkedIn

Product

  • Mentorship Program
  • Courses
  • Blog
  • Community

Company

  • About Us
  • Contact
  • Ambassador Program

Legal

  • Privacy Policy
  • Terms of Service
  • Cookie Policy
  • Refund Policy

© 2026 Dugsiiye. All rights reserved.

Proudly built in Somalia

Back to Journal