Waa Maxay Load Balancing
Load Balancing (Dheellitirka Xamuulka) waa farsamo muhiim ah oo loo isticmaalo in lagu qaybiyo taraafikada (traffic) ama codsiyada soo galaya server-yada kala duwan. Ujeeddada ugu weyn waa in looga hortago in hal server

Load Balancing (Dheellitirka Xamuulka) waa farsamo muhiim ah oo loo isticmaalo in lagu qaybiyo taraafikada (traffic) ama codsiyada soo galaya server-yada kala duwan. Ujeeddada ugu weyn waa in looga hortago in hal server uu culeysku ku bato oo uu istaago (crash), halka server-yada kalena ay shaqo la'aan yihiin. Waa habka hubinaya in nidaamkaagu mar walba yahay mid degdeg ah oo la isku halleyn karo (High Availability).
Si fudud haddii loo dhigo, Load Balancer-ku waa sida "Taraafikada" waddooyinka. Marka baabuur badan (users) ay soo galaan, wuxuu u kala hagayaa waddooyin (servers) kala duwan si uusan saxmad u dhicin. Tusaale kale waa Supermarket leh 5 waaxood oo lacagta lagu bixiyo (cashiers); Load Balancer-ku waa maamulaha dadka ku hagaya safka banaan si adeeggu u socdo, halkii dadka oo dhami ay hal saf geli lahaayeen.
Habka uu Load Balancer-ku u shaqeeyo wuxuu ku xiran yahay "Algorithms" ama qawaaniin loo dejiyay, waxaana ugu caansan saddexdan: Round Robin: Waa hab wareegto ah. Codsiga kowaad wuxuu aadaa Server A, ka labaad Server B, ka saddexaad Server C, ka dibna mar kale ayuu dib uga soo bilaabaa. Waa habka ugu fudud. Least Connections: Wuxuu fiiriyaa server-ka haya dadka ugu yar (connections-ka ugu yar) xilligaas, wuxuuna u diraa codsiga cusub. Tani waxay fiican tahay marka codsiyada qaar ay qaataan waqti dheer. IP Hash: Wuxuu hubiyaa in user-ka leh IP address gaar ah uu mar walba aado isla server-kii uu markii hore galay. Tani waxay muhiim u tahay app-ka u baahan inuu xasuusto xogta user-ka (Session persistence).
Load Balancing-ku wuxuu u qaybsamaa labo nooc oo waaweyn marka laga eego dhinaca farsamada: Layer 4 (Transport Layer): Wuxuu shaqeeyaa isagoo eegaya kaliya IP Address-ka iyo Port-ka. Aad ayuu u dheereeyaa laakiin ma fahmo waxa ku jira codsiga. Layer 7 (Application Layer): Waa mid caqli badan oo akhrin kara URL-ka, Cookies-ka, iyo Headers-ka. Tusaale ahaan, wuxuu dhihi karaa "Codsiyada sawirrada ah u dir Server X, kuwa video-ga ahna u dir Server Y."
Qalabka (Tools) ugu caansan ee loo isticmaalo Load Balancing-ka waxaa ka mid ah Nginx iyo HAProxy oo ah software, iyo adeegyada Cloud-ka sida AWS Elastic Load Balancer.
load Balancing waa laf-dhabarta nidaamyada waaweyn (Scalable Systems). La'aantiis, website-yada waaweyn sida Facebook ama Google ma awoodi laheyn inay u adeegaan malaayiin qof halmar. Waa waxa kuu oggolaanaya inaad server-yo cusub ku darto nidaamkaaga adigoon adeegga ka jarin macaamiisha (Zero Downtime).






