Waa Maxay Software Development Life Cycle (SDLC)
Software Development Life Cycle (SDLC) waa hab-raaca rasmiga ah ama "khariidadda" loo raaco dhismaha software tayo leh. Ma aha oo kaliya in koodka la qoro, balse waa geedi-socod ka kooban wejiyo is xiga oo hubinaya in barnaamijka la dhisayo

Software Development Life Cycle (SDLC) waa hab-raaca rasmiga ah ama "khariidadda" loo raaco dhismaha software tayo leh. Ma aha oo kaliya in koodka la qoro, balse waa geedi-socod ka kooban wejiyo is xiga oo hubinaya in barnaamijka la dhisayo uu buuxiyo baahida macaamiisha, ku dhammaado waqtigii loogu talagalay, isla markaana uu yareeyo kharashka ku baxa khaladaadka dhaca bilowga hore.
Wejiga koowaad waa Qorshaynta iyo Falanqaynta (Planning & Analysis). Halkaan waxaa lagu go'aamiyaa: Maxaan dhiseynaa? Maxay yihiin dhibaatooyinka aan xallineynaa? Waxaa la ururiyaa dhammaan shuruudaha (requirements) uu u baahan yahay macmiilku. Haddii wejigan la hubin, waxay keentaa in markii dambe la dhiso wax aan loo baahnayn, taas oo ah khasaare weyn.
Wejiga labaad waa Nashqadaynta (Design). Halkan laguma qoro koodka rasmiga ah, balse waxaa la dejiyaa qaab-dhismeedka (architecture). Waxaa la go'aamiyaa database-ka la isticmaalayo, luqadaha coding-ka, iyo sida qaybaha kala duwan ee system-ka ay isugu xirmayaan. Waa wejiga "naqshadda" ee ka horreeya dhismaha guriga.
Wejiga saddexaad waa Dhisidda ama Coding-ka (Implementation). Waa halka ay shaqada ugu weyn ka bilaabato. Nashqadii la sameeyey ayaa loo beddelaa kood shaqeynaya. Waa wejiga ugu waqtiga dheer, waxaana lagu dhex isticmaalaa Git si koodka loo maareeyo.
Wejiga afaraad waa Tijaabinta (Testing). Marka koodka la dhammeeyo, lama sii daayo ilaa la xaqiijiyo inuu si sax ah u shaqeynayo. Kooxda QA (Quality Assurance) ayaa raadiya khaladaadka (bugs), waxayna hubiyaan in software-ku uusan "crashing" samaynayn marka ay isticmaalaan dad badan. Tijaabintu waa waxa kala saara software-ka lagu kalsoonaan karo iyo midka aan lagu kalsoonaan karin.
Wejiga shanaad waa Hawlgalinta (Deployment). Marka software-ka la tijaabiyo ee la hubiyo, waxaa loo soo saaraa isticmaalayaasha (Production). Waxaa la dhigaa server-yada si dadku u soo degsadaan ama ugu isticmaalaan internet-ka. Wejigan wuxuu u baahan yahay taxadar si nidaamku uusan u istaagin xilliga lagu shubayo koodka cusub.
Wejiga ugu dambeeya ee aan dhammaadka lahayn waa Dayactirka (Maintenance). Software-ku waa sida noolaha oo kale; mar walba wuxuu u baahan yahay in lala socdo. Waxaa lagu soo kordhiyaa sifooyin cusub (features), waxaa laga saaraa khaladaad dambe oo soo baxa, waxaana la waafajiyaa isbeddelada cusub ee tiknoolajiyadda.
SDLC waa laf-dhabarta injineernimada software-ka. Waxay ka dhigtaa dhismaha software-ka mid cilmiyeysan oo la maareyn karo, halkii uu ahaan lahaa mid random ah. Haddii aad rabto inaad dhisto barnaamij guuleysta, raacidda wejiyada SDLC waa tallaabada ugu muhiimsan ee aad qaadi karto.






